Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Mas'uul ka tirsan xafiiska Madaxweynaha oo sheegay in RW Geedi uu is casilayo
Unreported World Somalia 1
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:138
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 2
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:66
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 3
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:48
Date:22-09-2008
Somalia Now and Then
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:333
Date:07-09-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Oct 28 2007
Mas'uul ka tirsan xafiiska Madaxweynaha oo sheegay in RW Geedi uu is casilayo
News in Somali - Siyaasadda | Somaliya
Sunday, 28 October 2007

Mogadishu 28, Oct. 07 ( Sh.M.Network)- Mas'uul ka tirsan xafiiska Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Somalia, ayaa waxa uu sheegay in RW Geedi uu la soo xiriirey Madaxweynaha isla markaana uu sheegay in xilka uu iska casilayo.

C/risaaq Aadan oo ah La taaliyaha Madaxweynaha dowladda KMG ah ee arimaha dibadda oo u waramayay wargeyska Asharqal Awasat ayaa waxa uu sheegay in maanta la filayo in Ra'isulwasaare Geedi uu dib uga soo laabto booqashada uu ku joogo dalka Ethiopia oo Baydhabo uu yimaado, isla markaana kulan albaabada ay u laaban yihiin uu la qaato Madaxweynaha dowladda KMG ah, halkaasi oo istaqaaladiisa uu si rasmi ah ugu gudbin doono.

Wargeyska Asharaqal Awasat waxa uu sheegay in qadka teleefoonka uu kula xiriirey Ra'isulwasaaraha dowladda KMG ah iyo safiirka Somalia u jooga dalka Ethiopia, hasayeeshee labadoodaba ay ka cudurtaarteen in wax faahfaahin ah ay ka bixiyaan arinkaasi.

Waa markii ugu horreysay oo Mas'uul ka tirsan dowladda KMG ah ee Somalia, uu si rasmi ah u sheego in RW dowladda KMG ah uu xilka iska casilayo, arinkaasi oo ku soo beegmeysa xilli Baarlamanka dowladda KMG ah fadhigiisa ugu dambeeyay uu Baydhabo ku qaatey ku go'aamiyay in codka kalsoonida loo qaado xukuumadda RW Geedi.

Wasiiro iyo mudanayaal ka tirsan Baarlamanka ayaa waxa ay u sheegeen wargeyska Asharqal Awasat in Madaxweynaha dowladda KMG ah uu kulamo isdaba joog ah la qaatay beelaha iyo waliba qabaa'isha kala duwan ee Somalida, si la isugu afgarto magacaabista Ra'isulwasaare cusub oo xilka kala wareegaya Mr. Geedi.

Ragga sida aadka ah la filayo in xilka Ra'isulwasaare nimo ay isku soo taagaan ayaa waxaa ka mid ah Max'ed Max'uud Guuleed Gacmno Dheere, Ismaciil Buubaa iyo wasiirkii hore ee arimaha dibadda xukuumadda Geedi.

Inkastoo RW Geedi uu isaga ku dhagan yahay inta haatan la og yahay in uu si hayo xilkiisa oo uu sheegay in aanu ka dagi doonin xitaa haddii beesha caalamka ay arinkaasi ka codsato ayaa hadana Mr. Aadan waxa uu sheegay in Geedi uu qadka teleefoonka kula soo xiriirey Madaxweynaha dowladda KMG ah oo uu ku war galiyay in haatan uu go'aan ku gaaray in xilka uu isaga tagi doono marka uu ku soo laabto magaalada Baydhabo.

Xiriir Shabelle ay la sameysay La taliyaha madaxweynaha C/rsiaaq Aadan ayaa waxa uu inoo sheegay in Ra'isulwasaare Geedi uu Addis ababa u joogo in uu iska casilo xilka Ra'isulwasaare Nimo, waxaana jira cadaadi Beesha caalamka iyo dowladda Ethiopia ay ku saareyso arinkaasi.

Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items

<< Previous Page          

< Prev